DHOONAALD BAARTLEM_INANTII YARAYD(Sheeko)
DHOONAALD BAARTLEM_INANTII YARAYD
TURJUMAAD: SALMA MAXAMED
Donald Barthelme/ American short story writer and novelist
Khaladkii ugu horreeyay ee inanta yari gashay waxa uu ahaa in ay buugaagteeda waraaqo ka jeexdo, sidaas darteed, waxa aannu ku soo rognay xeer ciqaabeed dhigaya: waraaq kasta oo ay goysaba waxa ay maxbuus ku ahaanaysaa qolkeeda muddo afar saacadood ah.
Bilawgii hore, maalintii waxa ay goyn jirtay bog qudha dabadeed afarteeda saacadood way ka soo laaci jirtay, hawshuna sidaasay noogu socotay, walaw oohintaa badan iyo qayladeedu madax xanuun nagu ridday hadana lagama neefin jirin.
Xoogaa ka dib, markii ay gacmuhu u adkaadeen ee qabsigeedu wacnaaday waxay bilawday in ay laba laba bog hal mar is raaciso, taas oo ka dhigan, in ay siddeed saacadood xidhnaan doonto kaligeed, arrinkaasi waxa uu sii adkeeyay xaaladdii nagu adkayd marka horeba, iyadu se waxaa dan kamay lahayn oo hawsheeda way iska wadatay.
Waabay ka sii dartay, oo mar marka qaar hal mar bay saddex ama afar bog isla goysaa, dabadeed sidaasay lix iyo toban saacadood oo xidhiidh ah ku xidhnaataa, taas oo khalkhal galisay xilliyadii ay wax cuni lahayd, hooyadeedna way ka soo cabatay arrinkaas.
Si kastaba ha ahaatee, anigu waxa aan qabaa in aanuu qofku ka hor iman xeerarka uu isagu dejiyay, oo uu tabteeda u raaco; si aan fikrad khaldan looga qaadan.
Xilligan, ta yari waxa ay jirtay afar iyo toban ama shan iyo toban bilood oo nasiib wanaag marka ay saacad oohin iyo cabaad isku darto way iska gam'i jirtay.
Qolkeedu aad buu u qurux badan yahay, waxa u yaalla faras loox ka samaysan oo ay ku leexaysan karto, sidoo kale, waxa ay haysataa boqollaal caruusadood iyo xayawaanno buush buush ah xitaa ciyaarta isku xidh xidhka(puzzles) way uga faa'idaysan kartaa wakhtiga ay xidhan tahay, balse nasiib darro waxa ay ka heshaa jeex-jeexidda buugaagta oo qudha!
Marar badan, sidaa marka aannu albaabka u furno waxa aannu aragnaa waraaqo daadsan oo ay googoysay intii ay xabsiga ku jirtay, dabadeed waxa sii kordha saacadaha lagu lee yahay.
Waxa aannu u bixinnay Boon Dhaansin, waxay nala cabtaa khamriga noociisa cas, ka cad iyo ka buluugga ahba, sida dadka waawaynna waanu ula hadlnaa, balse is badel maannu arag.
Waayadan danbe, maskax miidhan bay noqotay oo khiyaamada ayay baratay, waxa laga yaabaa inaan arko tiiyoo dhulka fadhida oo ciyaaraysa, agteedana buug in uu bad qabo uu eegi yaallo, balse marka aan u fiirsado waxa aan arkaa dacal yar oo xaashi ka maqan oo la moodo inaan la goosan e gacanta uun uu raacay sidii kolba loo rogayay, anigu se waan la socdaa oo iyadaa intaa maqan hudhay. Xisaabta kama ilaawo oo waan ku daraa si cadaaladdu u hir gasho. Dadkan yar yari waxay isku dayayaan inay sameeyaan wax kasta oo ku daalinaya niyaddana kaa jabinaya.
Xaaskaygu waxay tiri: malaha waynu ka badbadinnay, tii yarayd waa tan caatawdaye.
Aniguna waxa aan xasuusiyay in inantan yar nolol dheeri sugayso, waxa ay la noolaan doontaa dad kale duwan iyo duni xeerar tiro badani ka shaqeeyaan, waa inay barato sida loo xushmayo qawaaniinta haddii kale waa la takoori oo bar cidlo ah bay ku danbayn doontaa.
Marka ay hooyadeed sidaa lahayd waxa ay ahayd mar ay xidhnayd saacadihii ugu badnaa ee aanu abid xabisno, siddeed iyo siddeetan saacadood ayay qolka ku jirtay oo laba iyo tobanna u hadhsanaayeen; waayo waxay googoysay shan iyo labaatan bog . Xaaskayga oo u adkaysan wayday muddadaa dheer baa albaabka gabigiisiiba bir ku fujisay oo meeshiiba ka saartay.
Waxaan soo qaatay quful aan la jabin karin oo kaadh lagu furo, kaadhkiina meel adag baan gashaday, hawshiina way sii socotay.
Balse dhibaatadii halkaa kumay joogsane, marka sidaa la soo daayo, tiiyoo aad mooddo fiidmeer huluul ka soo boodday bay ku haaddaa buugga ugu dhaw ee gacanteedu gaadho, tusaale ahaan " Habeen Wanaagsan, Dayaxoow" ama mid kale oo u magac dhawba, markaasay ilbidhiqsiyo ku kidiftaa illaa jaldiga.
Marka aan xisaabiyo daynka lagu lee yahay, waxaan ogaaday in aanay qolkaa ka soo baxayn illaa la gaadhayo 1992, waaba hadday intaa ku eekayso ficilka ay waddo e.
Waan ka naxay sida ay u eekaatay basaasta iyo il go'a, todobaadyo lama gayn beertii ay casarka ku soo ciyaari jirtay. Annagana dhinac walba waxa aannu kala kulanay mushkilad akhlaaqi ah.
Ugu danbayn, waxa aan ku guulaystay in aan xalliyo mushkiladahaas oo waxa aan caddeeyay inay caadi tahay waraaqo jeex-jeexu, intii horana in aan ka samaaxay. Taasi waa mid ka mid ah waxyaabaha aan ka helo ee waalidnimadu wadato, waxa kuu bannaan tab iyo xeelad kasta oo ku cajibisa, mid walibna way wacantahay.
Imika, aniga iyo tii yarayd waanu is garab fadhinaa oo waxa aannu si faraxad leh u jeex jeexaynaa buugaag. Mar marka qaar, xaraabaysi dartii waxa annu u baxnaa waddada oo gawaadhida ayaannu daaqadaha ka daadinnaa.


Waa tii ahayd: waxa daa la yidhaa baa u daran, kk.