Joon Khaayro Khoniliyees_Wadada Bari, Ea Aan Weheshado
Joon Khaayro Khoniliyees_Wadada Bari, Ee Aan Weheshado
Turjumaad: Salma Maxamed
Sheekadan waxa qoray Joon Khaayro Khoniliyees oo ah saxafi, gabyaa iyo qoraa, Kolombiyaan ah, waxa aan ka soo guuriyay websaaytka “كتب مملة” oo lagu baahiyay (2020) iyadoo ku qoran Af Carabi “ شارع يفضي إليها” tarjamaddii Axmed Muxsin.
Joon Khaayro Khoniliyees
Waxa jira waxyaabo badan oo aan naftayda ku hiifo, balse hal arrin baan si gaar ah u sii necbahay, in kasta oo uu mar marka qaar i anfaco: waa isla maqnaanta ama baahsanaata, had iyo jeer waxa aan u dhexeeyaa laba xaaladood oo midna jidhkaygu joogo, ta kalena maskaxdaydu jirta. Runtii Si dhab ah uguma dhex noolaan karo wakhtiga xaadirka ah ee la taagan yahay. Waxa aan isku matalaa inaan ahay kalluun ku xidhan haan yar oo ku riyoonaya bad weyntii laga keenay.
Caadadan isla maqnaantu waxaan jeclahay marka aan ku caajiso sheekooyinka saxafiyiinta aanu wada shaqayno ama marka uu gudoomiyuhu noo jeedinayo khudbad dheer oo bilaa dhamaad ah. Balse waxaan aad u dhibsadaa xilliyada kooban ee koonku laabtiisa ii furo ee aan rabo inaan si buuxda u soo jeedo uguna raaxaysto jawiga aan ku jiro, dabadeed maskaxdaydu ii dhufato meel kale, sida markii aan wadada la laafyoonayay gabadha aan jeclahay aniga oo gacanta haysta ee aan ka fekaray: malaha waxa aad tahay kalluun bad wayn dhex mushaaxaya hadana is moodaya in uu ku xanniban yahay haan yar oo cidhiidhi ah.
Waxa laga yaabaa inaanay macno buuran lahayn inaan jidka la maro gabadh annaga oo gacmaha is haysanna, laakiin aniga arrin wayn bay ii tahay; oo waa markii ugu horreysay ee ay ogolaatay in la isku kaayo arko.
Xidhiidhkayagu waa mid qarsoon oo aanay rabin inuu shaac baxo, malaha wada jirkayagu umuu cuntamin oo waabay iga khajishaa; waayo mar kasta uu na ag maro baabuur cad oo ka aabaheed u eegi way is ururisaa oo jidhka ayay is galisaa. In badan baan is waydiiyay sababta!
Laba qof oo isu dhigma ayaanu nahay, garanna maayo dhibka ka iman kara haddii aabeheed ama cid kaleba isku kaaya aragto oo la ogaado inaan jeclahay iyana i jeceshahay, anigu ma ihi bahal mana ihi danbiile todoba dawladood ku dabajoogaan, iyana quruxda laguma matalo Nikool Kidmaan!
Ma fahmin sababta, balse inaan ka fekero maaha e waa inaan ka faa'idaysto inta ay ii ogoshahay inaan gacanteeda sii haysto, haddii ay doonto marka aanu sakadan dhamaynoba way i sii dayn doontaa waana suurto gal mar danbe in aanan fursadan oo kale helin, anna waan iska illaabi doonaa; illeen waxaan ahay ninkaa isla maqan e. Waxaan u eegahay kalluun bad ku nool oo hadana dareemaya in uu ku xanniban yahay haan yar oo cidhiidhi ah, isaga oo aan waligii ku raaxaysan badweynta uu ku jiro.
Roob baa nagu tiixay oo waxaanu ka hoos galnay gidaar yar annaga oo wali gacmaha is haysanna. Cirku wuu gurxamayaa, waxa isoo hor maray wiilkii yaraa ee onkodka ka cabsan jiray ee sariirta ka hoos geli jiray. Alla dheeraa oo hadana dhawaa!
Maskaxadaydu mar kale waxay igu tuurtay Kuuba, waagii aanu is barannay gabadh jidhkeeda ka ganacsata ee aan u ballan qaaday inaan farriimo u soo qoro, iyadana ka codsaday inay ii soo jawaabto, way iga aqbashay oo jawaabtii waxay iigu soo qortay warqaddii aan u diray dhabarkeeda, waxaan is idhi: kolley waraaqo lagama helo Kuuba.
Talow, ma xasuusahaa aan kolba mid milicsanyo baa igala wayn jawiga sidan u quruxda badan?! Haddii aanay xayaysiisyada iyo boodhadhka jidka sudhani i jiidanayn waxaan jeclaan lahaa in jidhkayga oo dhami noqdo oo gebigayguba ku ururo gacantaydan sida buulkii shinbiraha gacanteeda dhex jiifta.
Inta aan meer meerka iska daayo, waa inaaan waydiiyo sababta ay iiga dhacdo, mar walba waxay igu dhaafisaa kaftan iyo sheeko ay kaga baxsato jawaabta aan rabo. Waxay iila eeg tahay kalluun aan aqoon qiimaha baddu leedahay.
Shuuxii markii uu qaaday, hore ayaanu u sii soconnay aniga oo is waydiinaya sababta aanan naftayda daacad ugu ahayn ee aan ula sii socdo qof aan igu qanacsanayn, Si kastaba ha ahato e, kuma dhiirran karo in aan sii daayo gacanteeda waayo aad baan ugu baahanahay xitaa haddii aanay iyadu i rabin.
Waxa aan jeclaan lahaa, cabsidu inay ka guurto oo aanay gawaadhida cad-cadi jawiga ka jiidhin marka ay ila socoto.
Maskaxdaydu hadana waxay soo maaxtay odaygii aanu ku kulannay dhulkii buuralayda ahaa ee aan waligii badda indhaha saarin, danna kamuu lahayn e, markii aan uga sheekayay baaxadda iyo quruxda ay leedahay waxuu iigu jawaabay inay buurahaniba qurux iyo wayni isku darsadeen isaguna meel kale xiiso u hayn. Niyadda waxaan iska idhi: waa cajuus xun oo asaasaqay marba haddii uu isku dhejinayo bogcadda yar ee uu dunida kaga soo beegmay!
Malaha anigaa asaasaq ahaa, oo isaga xikmad iyo waayo aragnimo ayaa ka buuxday, waxuu dhab u yaqaannay inaan buuraha dhayl lagu sahmin sirteedana sahal lagu helin, isigana ay ka badan tahay oo aanuu wali ka bogan, dhidibbo adag buu ku taagnaa caynkeeda oo kale, halka aan aniguna sida biyaha bulxamo oo kolba bohol cusub jeexdo dabadeed aan ku arooro guntayda iyo meel aan la joogayga laga khajilin.
Imika maan maqlayn waxa ay i tiri laakiin waxaan iska idhi 'Haa,haa' iyaduna way dareentay baxsanaantayda oo niyad jab baa ka muuqda sakada dhamaadkeediina dhawr tallaabo oo qudha ayaa nooga hadhsan.
Waan ka cabsaday inaan waydiiyo wixii ay markii dhawayd lahayd, waa tu qalbi adag oo hadalka ii qiyaasta.
Roobk baa hooray hadana, aniguna mar qudha inta aan gacanteedii siiyay baan hore isaga socday oo maqaaxi nagu toosnayd dalaq idhi. Kuraas xaga danbe ah baan fadhiistay, iyana way isoo garab fadhiisatay iyada oo fajiciso iyo la yaab ka muuqdaan!
Baroor bay qabsatay, anna waan la yaabay, hadana danbi baan dareemay, waa siday rabtay!
Ilmadeeda qulqulaysaa dad badan bay dhankayga u soo jeedisay, dabadeed waxay i waydiisay: ma doonaysaa inaad ogaato wixii aan ku idhi, markii aad isla maqnayd?
- Wax kaleba ma rabo.
-Waxaan ku idhi, fiicnaan lahaydaa in aanuu dariiqani dhammaan oo aynu sidaa u wada lugayno innaga oo gacmaha is haysanna.
Bi'i waa naftaydaay, afkiibaa juuqda gabay!
Waxaan waydiiyay, sababta ay iigu ogolaan wayday bilawgii in la isku kaayo barto, waxay iigu jawaabtay inay iyaduna waydiintan oo kale qabtay, waxay tiri:
- Had iyo jeer waad baxsan tahay, waxaan moodi jiray inaad iga khajisho.
- Nacas baan ahay.
- Anigaa nacas ah.
- Nacasyo ayaynu nahay, waana wax wacan oo laba qof ku midoobi karaan.
Waligayba, waxaan isu haystay kalluun ku xidhan haan bad wayn gunta u fadhida oo intaaba madaxa la dhacayay darbiga si uu u bannaysto meel uu ka baxo, dabadeed goor danbe ogaaday inuu dabbaalanayo.
Markaas baan dhunkaday iyada oo gawaadhi cad-cadi wadada haadayso.


Waa cajiib runtii, maqnaanta mararka aan jeclahey waa marka aan joogo goobtayda shaqada oo laga sheekaynayo wax aan qabanayno balse aan marnaba la qabanayn.
Marka aan necbahayna waa marka aan la joogo qof ama qoraa aan xiisaynayo inaan ka guntado wax uun uu soo akhriyey.
Mahadsanid Salma, bogaadin baad mudan tahey.