KHUWAAN KHOSEEH MAYYAAS_JIHO WAREER
Khuwaan Khoseeh Mayyaas_Jiho Wareer (Sheeko Gaaban)
TURJUMAAD: SALMA MAXAMED
Ka hor intii aanan furin kartoonkii la iigu keenay hadyadii dhalashadayda wax aan maqlay cod taleefan oo ka dhex yeedhaya kartoonka, degdeg baan u furay oo dhegta ayaan saaray markaasaan maqlay xaaskayga oo qoslaysa, wax ay ku jirtay qolka jiifka.
Habeenkaas, waxa ay soo jeedisay in aannu taleefanka ka sheekaysanno oo aannu dib xasuusu u galno: noloshayada iyo mudadii dheerayd ee aannu wada noolayn.
Qolka fadhiga ayaan la soo galay moobilkaygii cusbaa dabadeed cabbaar baannu sheekaysannay, markii ay dhigtay ee aan hurdada imi, waxaan arkay iyadii oo ku fadhida sariirta oo dhaban iyo gacan isku haysa, waxay ii sheegtay in ninkeedii la hadlayay oo hadda ay taleefanka ka dhigtay, xaaladayaduna walaac iyo calool xumo ayay ku abuurtay oo waxay ka fekeraysaa inay ninkeedii dib ugu laabato!
Inta aan ka war qabo, ninkeedu waa aniga uun oo cid kale oori uma aha, sidaa darteed, waxa aan u qaatay in ay uga jeeddo ciyaar iyo dardar gelin jinsi ah, habeenkaasna si wacan baannu u ciyaarnay.
Maalintii xigtay, aniga oo xafiiskayga jooga oo saanweej cunaya ayuu teleefankii soo dhacay, sidii aan filayay waa iyadii, waxay tiri: waxa aan rabaa inaan qirto danbi aan sameeyay.. xidhiidh ayaan la sameeyay nin kale.
Aniguna sidii xalay oo kale, waxaan go'aansaday in aan la jaanqaado ciyaaraha noocan ah ee xiisaha wata, waxaanan ugu jawaabay: waxba haka warwarin, sidii aynu caqabado horeba uga soo gudbanay ayaynu tanna uga gudbaynaaye.
Fiidkii ayaanu hadana wada hadalnay cabbaar, dabadeed inta aan xamaasadooday baan degdeg qolka jiifka isaga xadiriyay oo sidii habeen hore oo kale bay ciyaaraynay illaa waa berigii.
Todobaad baannu sidaa ahayn, sabtidii danbe, markii aannu taleefankii kala dhignay ee aannu hurdada isugu nimi waxay ii sheegtay inay aad ii jeceshahay balse ninkeedu u baahan yahay in kabadan inta aan anigu u baahanahay, dabadeed way iska baxday inta ay albaabkii sii calisay.
Illaa iyo habeenkaa taleefankaygu dib umuu soo dhicin oo waan jiho wareersanahay.

