ORHAAN BAANUUG: JINEEFA 1959
Oorhaan Baamuug: Jineefa 1959
Tuj: Salma Maxamed
Orhan Pamuk
Aniga iyo walaalkay shawkat(şevke) waxa aannu bilawnay dugsi Afka Faransiiska lagu barto oo ku yaalla dalka Iswiisarlaan bishii Sebtembar 1959, kadib markii Aabahay Gundoos(Gündüz), oo ahaa injineer Turki ah loo magacaabay shirkadda I.B.M, Laanteeda Jineefa(Geneva).
Tan iyo markii aan ka imi Istanbuul bishii Juun, Hooyaday waxa ay dadaal ugu jirtay sidii aannu u baran lahayn Afka Faransiiska, maadaama oo ay iyadu luuqaddaas si wacan u taqaannay.
Waxa ay ka baratay dugsi kaatoolig ah oo la odhan jiray Daam Doo siyoo(Dame de Seu) oo ku yaallay magaalada Istanbuul, hase ahaato e, macallimad may ahayn oo aad bay ugu adkayd in ay maamusho oo nidaam iyo kala danbayn u samayso wiilal yar yar(9 jir, 7 jir) oo qalqaali ah, iyada oo dhan kalana ku mashquulsan hawshii guriga iyo dayac tirkiisa.
Magaalada, waxa joogay carruur badan oo ajaanib ah oo sidayada aan afka waddanka ku hadal, waxa aan ku arki jirnay agagaarka harada Jineefa iyo guud ahaan waddooyinkaba.
Miyaanay igu filnayn in aan la sheekaysto caruurta iskuulka ila dhigata si aan ugu hadlo Faransiiska?!
Maalintii ugu horreysay ee dugsiga nala keenay ee hooyaday afaafka hore nagu dejisay cabsi aan la koobi karin baa igu dhalatay, waliba markii barxadda la igaga reebay walaalkay ee la i geeyay fasalka labaad.
Aad ayuu u qurux badnaa fasalku oo nadaafad darteed buu dhalaalayay, macallimaddii baa noo soo gashay iyada oo dhoolla-caddaynaysa, kadibna waxay ay bilawday in ay sharraxdo casharkii la dhiganayay maalintaa. Mar marka qaar sabuuradda ayay wax bay ku qorysay, balse anigu waxba kamaan fahamynin.
Maadaama oo aanay ardaydu waxba qorayn aniguna buuggii iyo qalinkii toona maan kala furin, waxa aan il qoodha kala socday ardaygii i ag fadhiyay, oo sida uu wax yidhaahdo ayuun baan odhanayay aniguna.
Macallimaddu su'aalo ayay ardayda wadiinaysay, arday walibana jawaab ayuu siinayay.
Habeenkii, aniga iyo walaalkay waxa aannu furnay agabkii nalaga soo siiyay iskuulka ee ku jiray boorsooyin ka yar yar ee caaga ka samaysnaa, aad ayaannu ugu farxsanayn alaabtayada cusub, waxa ay ka koobnaayeen, qalimo, iskiisado iyo mastarado nashqadaysan.
Maalintii labaad warwarkii aan qabay aad ayuu u kordhay, diiqad iyo cabsi baa i raacday, waxa aan daawanayay daaqadda aniga oo niyadda ka raba in aan qolkaygii yaraa ku noqdo oo aan akhristo wargayskii ciyaaraha nuqulkiisii cusbaa ee laga soo diray Turkiga.
Macallimadda iyo ardayduba si wacan bay isula jaan qaadayeen oo xawaaraha ay u ku sheekaysanayeen ma aha mid aan la qabsan karo. Waxa aan sawiranaayay in aan ahay qof kale oo meel kale jooga!
Sannad ka hor markii aan akhriska iyo qoraalka bartay, wakhti wacan baan iskuulka ku qaadan jiray, cod sare ayaan ku akhrin jiray boodhadhka, qoraallada darbiyada ku xarxarriiqan iyo wax kasta oo ishaydu qabataba. Xataa markii aan Jineefa imi, sidaas uun baan isugu dayi jiray in aan akhriyo qoraallada aan arko, waxa aan higaadin karayay erayada sida: Martiini, Bakoon, Iisso, Helfeetiya.
Sidaas oo kale, waxa aan aqaannay tirooyinka oo ahaa asaaska casharradii Faransiiska ahaa ee Hooyo na siisay xagaagii la soo dhaafay , sidaas oo ay tahay, marka fasalka la yimaaddo erayadaasi iigamay soocnayn kuwa aanan aqoon.
Guriga marka aan joogo, eray waliba waxa uu iila muuqday sidii shimbir yar oo cajiib ah, halka, marka aan iskuulka tago erayadu ay igu noqonayeen sidii duul shimbiro ah oo hal mar samada igaga soo degay.
Waxa aan aad u jeclaa xilliga nususaacaha marka aan walaalkay kula kulmo barxadda dugsiga; mar marka qaar gacmaha ayaannu is qabsan jirnay.
Shawkat wuxa uu ka yaraa toddobaad keliya da’dii lagu geli jiray fasalka afraad, hadana, waxaa la fadhiisiyay fasalka saddexaad. Aad ayuu xariif u ahaa, waxaanuu caan ku noqday in uu tirooyinka xaga danbe si layaab leh uga soo tiriyo.
Laba maalmood markii aan tagay dugsigii, waxa aan go’aansaday in aanan maanta tegin. Subaxdii, markii hooyaday i diyaarinaysay, ayaan cod hoose ugu sheegay aniga oo madaxa hoos u raaricinaya in aanan tagayn. Wax kasta oo ay igu sasabtay si ay ii kaxaysana waan ka diiday.
Shawkat ayaa markaas yidhi: Anigaa tagaya.
Intii aan guriga kaligay joogay, waxa aan ka fekeray hooyaday inaanay marnaba iga aqbasheen haddii aannu Istanbul joogi lahayn. Taasi aad bay iiga cadhaysiisay.
Sanaddadii xigay, dhowr jeer baan jaray iskuulka oo aan diiday inaan aado; mar kasta oo aanndareemo diiqad iyo cidlo waan iska joogi jiray.
Saddex sanno ka dib, aabbahay waxa uu go’aansaday in Turkigu noo wanaagsan yahay, isla markaana aannu ayeeyaday la joogi doonno. Sidaas ayaannu kaga tagnay Jineefa iyo dugsigii af-Faransiiska lagu dhigan jiray, aniga iyo Shawkat toona maannaan baran luuqaddaas.

