Sheekadii Ooji Reen
Ooji Reen_ Bool Oostar
Turjumaad_Salma Maxamed
Sheekadan waxa lagu daabacay Joornaalka New York Times sannadku markii uu ahaa 1990, shan sanno kadibna waxa laga matalay filin "Smoke" loogu magac daray.
Qissadan waxa aan ka maqlay Ooji Reen oo iga codsaday in aanan magaciisa dhabta ah xusin balse sheekada inteeda kale aan sideeda u soo tabiyo, islaantii indhaha la'ayd, boorso_jeebtii luntay iyo cashadii kirismiska intaba.
Aniga iyo Ooji, waxa aanu is naqaannaa ku dhawaad kow iyo toban sanno, tukaan yar oo sigaarka iyo joornaallada lagu iibiyo ayuu ku haystaa wadada Koort Istriit ee badhtamaha magaalada Borooklin, si joogto ah ayaan u tagaa tukaankiisa waayo waa meesha kaliya ee lagu hayo sigaarka nooca Holandiisaka ah ee aan badanaa cabo.
Bilawgii dan kamaan sii galin jirin ninkan jabka yar ee had iyo jeer koofiyadda buluugga ah ku hoos jira, waxa aan ka qaadan jiray uun sigaarka inta aan u baahnahay iyo joornaallada aan kala socdo cimilada, kooxda Mits ee baysboolka ciyaarta iyo waliba siyaasadda Waashintoon.
Maalin laga joogo dhawr gu' ayuu ku arkay majallad lagu faafiyay qoraal aan qoray oo sawirkaygu ku lifaaqanyahay, dharaartaa wixii ka danbeeyay waxa uu ii aqoonsaday saaxiib wanaagsan iyo macmiil si gaar ah loogu adeego, badanaa dadku way xushmeeyaan qoraayada, isaguna maadaama uu isu yaqaanno sawir-qaade khabiir ah, ixtiraam iyo taageero dheerna uu u hayo guud ahaan fanka aad ayuu ii soo dhaweeyay oo qof ay si gaar ah isu fahmi karaan buu ii arkay.
Maalintii maalmaha ka mid ah, Ooji waxa uu si xamaasad leh, waliba niyad wanaag la socdo iiga codsaday in uu i tuso sawirro uu qaaday, aniguna runtii waan ka xishooday in aan niyad jabiyo oo waan raacay.
Qol yar oo tukaankiisa uun ka danbeeya ayaanu tagnay oo aan daaqado lahayn, maan filanayn _Ilaahay baa igu oge_ waxa uu i soo hordhigay, , kartoon wayn ayuu ka soo saaray laba iyo toban alban oo ay ka buuxaan sawirro isu wada eeg, gabigooduba waa hal muuqaal. halkaa sawir ee maalin walba uu sawirayay waa hawsha ugu muhiimsanayd ee uu noloshiisa qabtay sida uu ii sheegay.
Laba iyo tobankii sanno ee u danbeeyay, maalin walba todobada subaxnimo ayuu hal sawir qaadaa, kamaradda waxa uu u jeediyaa barta ay ku kulmaan labada waddo ee atlaantigga iyo kilintoon, midab gaar ah ayuu adeegsadaa oo aanuu baddelin marnaba, tirada sawirraduna waxa ay gaadhayaan afar kun oo sawir oo mid walba taariikhdii la qaaday dhinaca haase lagaga qoray.
Cabbaar baan rog rogay sawirradii, aniga oo layaaban, runtii waa wixii iigu cajabta badnaa ee aan abid arko, bal maxaan ka fahmi karaa hal sawir oo is soo celcilyay kumannaan jeer, isla dadkii, isla muuqaalkii iyo isla dhismayaashii oo aan waxba iska baddelin.
Wax aan ugu jawaabo ma aqaanno e, kolba mid baan kor u soo qabtaa oo hadana dhigaa aniga oo madaxa ruxaya oo mujinaya la dhacsanaan aanay waxba ka jirin, cabbaar kadib Ooji oo dhoolla cadaynaya ayaa igu yidhi: Ha degdegin, si wacan aad u fahantid e"!
Waa runtiis e, markii aan aad ugu fiirsaday ee aan isku khasbay in aan dhuuxo nuxurka ku jira hal sawir oo afar kun oo jeer soo noqnoqday waxa ii muuqtay tafaasiil yar yar oo lagu kala garan karo, iftiinka cadceeddu maalinba sida uu yahay saamayn jaad ah buu sameeyay, maalmaha qaar dad badan bay kamaraddu qabataa, sabtiyadoo kalena dad tiro yar ayaa ka soo muuqda sawirrada, albannada Ooji waxa ay kaydiyeen dad iyo waayo.
Waxa aan kala bartay wajiyada dadkii maalin walba isha Ooji ku hakanayay, labbisyadooda kala duwan, qaab socodkooda, waxa aan toos u arkay subax walba waayaha ay la soo toosaan. albankii xigay baan hadana furay, bog waliba bog kale ayuu ii dhiibay, caajiskii baa iga duulay, wakhtigii oo guuraya ayaan arkay, Ooji oo i ag taaganaa waxa uu si hoose u akhriyay gabaygii Shekisbiir ee odhan jiray: Berri iyo teeda kale, iyo tu kasta oo kale.
Maalmo yar ka hor maalintaa, waxa i soo wacday jariidadda Niyuu Yoork Taaymis oo iga codsatay in aan u qoro sheeko gaaban oo la baahin doono habeenka kirismaska, judhii horeba in aan iska diido ayaan damcay waayo anigu sheekooyinka dalab kuma qoro, balse si qurux badan ayuu ii waydiiyay ninkii jariiddda ka socday oo maan celin.
Sidaa markii aan khadka taleefanka uga baxayba warwar baa i qabtay, talaw maxaan qori doonaa baan is waydiiyay, horta maxaaban ka aqaannaa sheekooyinka kirismaska la khristo!
Ereyga sheeko-kirismas aad ayuu u dhawaq xunyay, macne ahaanna waxa uu ka turjumayaa ka badbadis iyo munaafaqnimo aan xad lahayn, dad aan sannadka intiisa kale isa soo salaamin baa kalgacal huuhaa ah isu muujiya. marka loogu qaatay waa sheekooyinka nooca dadka waayeelka ah lagu maaweeliyo, aniguna dad waayeel ah ma maaweelin karo.
Ayaamahaa waxa aan ku dhex wareersanaa akhriska qisooyinkii la yaabka lahaa ee ay qori jireen raggii sheeko-kirismaysyada looga hadhay, jaarlis Diknis(Charles Dickens), Oo Hinary(O.Henry) iyo kuwii la midka ahaa. Arrinkuu isaga oo sidaa ah, ayaan Khamiistii dhawayd u soo dhaadhacay magaalada, dabadeed waxa aan soo maray tukaankii Ooji Reen si aan sigaar uga iibsado, salaan iyo is xaal waraysi ka dib waxa aan u sheegay waxa i haysta ee aan maalmahan danbeba ka fakarayay, dabadeed waxa uu iigu jawaabay: Alla, wuxuba ma intaasaa, war haddaad qadada maanta ii qaaddo anaa sheeko-kirismaskii ugu wacnayd kuu dhiibaya.
Waxaanu isu soo raacnay hoteelka Ilmo Jaak, si aanu uga qadayno, kuraas xagga danbe ah baanu fadhiisannay, markaasuu i bilaabay qisadii islaantii indhaha la'ayd iyo sidii ay ku soo gashay kamaradda yar ee uu wax ku sawiro, waana dulucda dhan ee sheekadani ku saabsantahay, waxa uu yidh:
Xagaagii 1972, subax hore waxa tukaanka iigu soo galay wiil labaatan jir aan ku qiyaasay, laab yar oo qarsoon buu isku loohay dabadeed waxa uu bilaabay in uu koodhkiisa alaab ku gurto, waligay ma arag tuug ka xeelad xun, aniguna islamarkii aan arkay waxa uu wado qaylo ayaan ku dhuftay, dibadda ayuu u booday oo sida waranka ayuu isu ganay dhankaa iyo luuq-luuqyada ka baxa wadada Atlaantigga, dhawr sakadood baan eryanayay balse ma gaadhine waxa aan soo qaatay boorso-jeeb yar oo ka dhacay kolkii uu fixadka ahaa.
Markii aan furay boorsadii yarayd waxa ku jira afar sawir iyo kaadh kiisii aqoonsiga oo xogtiisa oo dhammi ku daabacan tahay, magaciisa, da'diisa iyo waliba ciwaanka guriga uu daggen yahay. isla xilligiiba waan dacwayn karayay oo hawl la'aan buu jeelka ku waabariisan lahaa e, waxa aan is idhi kuray xun oo tuug ah oo Borooklin ku hallaabay waxba ha isku hawlin. Waxa la yidhaahdaa Roobert Goodhween.
Mid ka mid ah sawirrada aan ka helay boorsada waxa ku wada jira isaga oo dhoolla caddaynaya oo xidhan dhar isu eeg oo kuwa baysboolka lagu ciyaaro ah, iyo haweenay aan u maleeyay hooyadii ama ayeeydii, qiyaastii toban jir buu ahaa xilligaas.
Dhawr jeer bay igu soo dhacday in aan u celiyo boorasadiisa balse waan ka wahsan jiray illaa kirismaskii la soo gaadhay.
Sida caadada ii ah, maalinta kirismaska waxa aan la qaataa saaxiibkay oo sannadkan isaga iyo qoyskiisuba Foloriida u dalxiis tegeen. Aniga oo caajis iyo cidlo isugu kay tageen oo wax aan qabto garan la' ayuun bay ishaydu ku dhacday kaadhkii Roobert Godhween, dabadeed waxa aan is idhi oo maad uba gaysid boorasadiisa oo aad intaa isku mashquulisid, kadiba koodhkaygii ayaan xidhay una kicitimay dhankaa iyo Booyrem Heelis oo gurigiisii ahaa.
Guryo yar yar oo afka isku wada haya ayaan cabbaar dhex lugeeyay iyada oo baraf dusha igaga d'ayo, kolkii aan gurigii soo gaadhay hore waa la iiga furi waayay, wax sanqadh ahna maan maqal.
Daqiiqado kadib aniga oo go'aansaday in aan iska noqdo ayaan maqlay cod daallan oo albaabka dabadiisa ke yeedhaya: ma adigii baa,
Roobert.
Haweenay da' ah oo indho la' ayaa iga furtay albaabka, waxay hadana tiri: waan ogaa in aanad ayeeydaa Iisel ilaabayn caawa oo kale. Markaasay hab i siisay, anigana hadalkii baa iga soo bixi waayay oo waxba maan odhan.
Si kasta oo ay u gabawsantahay, aragiina uga haaday waan hubaa in aanay igu khaldayn wiilka ay ayeeyda u tahay, yeelkeed e, labadayaduba waxa aanu gaadhnay heshiis dahsoon oo ah in aan noqdo Roobert. Sidaas ayay ku faraxsanayd.
Hore ayaan u soo socday, oo gudihii baan soo galay_kaasi guri ma ahayne_ bal sawiro sagaashan jir indho la' guriga ay ku noolaan karto!
Amaraw xaasil, waan iska fadhiistay oo la sheekaystay islaantii, way i waraystay aniguna waan u warramay, wax jira iyo wax aan jirinba waan ku shubay, iyana waxay iska dhigaysay qof si wacan ii dhegaysanaya oo waliba rumaysanaya waxa aan akhrinayo, waxa aan u sheegay in aan shaqaysto oo aan furtay tukaan iibiya sigaarka iyo joornaallada, maalin dhawna gabadh aad u qurux badan baan guursan doonaa, way qososhay waxaanay i sheegtay in ay waligeedba iga filanasay intaa iyo in ka badanba.
Cunto ayaan ka doonay meherad yar oo guriga u dhaw, waxa aan soo qaaday digaag shiilan, baradho, khudaar iyo waliba shukulaato, cabitaan meel ku xasaysnaana Iisel ayaa soo diyaarisay, sidaas baanu ku helnay casho ku haboon habeenkan la iidayo.
Weelkii aanu wax ku cunnay ayaan jikada u qaaday si aan u soo nadiifiyo, markii aan soo dhameeyay waxa aan u imid ayeeyo Iisel oo kursigii ku gama'day oo khuurinaysa, khamri talyaani ah bay cabtay oo way kala dhacday, sida caruurta ayay u seexatay.
Aniguna suuliga ayaan sii galay inta aanan tegin, waa halkii aan ku arkay kamaradahii Roobert oo miis yar dul rasaysan, kamarddan iyo lix ama todoba kale oo midiba mid ka qurux iyo tayo wacantay ayaa is dhinac yaallay, waligay wax ma xadin, sawirna ma qaadin, haddana damac ayaa i galay markii aan arkay oo middan baan jeebka ku soo ritay boorsadii wiilka yarna miiska ayaan saaray, markaasan iska soo baxay.
Waxaan waydiiyay: ma ku laabatay islaantii mar kale?
-Afar bilood kadib, waxa aan damcay in aan celiyo kamaradii aan soo xaday, runtii waan ka xumaaday waxa aan sameeyay, laakiin waan waayay lisel oo dad kale ayaan gurigii ugu tagay.
-Kolley way dhimatay.
-Waa sida ay u badantahay.
-Taa macneheedu waxay noqonaysaa in ay kula qaadatay kirismaskii nolosheeda u danbeeyay.
-Mooji, sidaa ugamaan fekarinba.
-Wax wanaagsan ayaad samaysay.
-Wanaag maan samayn, been ayaan ku dhuray, dabadeed waan xaday.
-Wakhti fiican ayaad la qaadatay, kamaradana awalba Roobert ayaa soo xaday.
-Fanka waxyaabo badan badan baa lagu xalaashadaa!
-Wax wanaagsan ayaad u adeegsatay.
- Waa laga yaaba, sheeko-kirismaskii waad iga haysaa soo maaha?
-Mahadsanid, Ooji.
-saaxiibbadu way isku lee yihiin intaa iyo in ka badan.
Marka aan aad ugu fiirsado wajigiisa waxa ay iila muuqatay waxan oo dhan jeebkiisa in uu iiga soo guray, lakiin yaa xaqiijin kara!


WAAAW!❣️
Aad bad u qalin qorid wacan tahay 😇